Lacageey lacageey
ragga kala labeeyaay
Haween lahanshadooday
Liitaha gargaaray
laqanna hoos u celiyaay
intaan anigu ku loofaray
Een hore u lumiyaay
larkeedi habeenadan
hablo lidiba waayeen
Lacageey Lacageey
Lisaanka iyo doodaay
Hubkan laysku laayaay
laxaadka iyo itaalkaay
aduunyadan lurkeedaay
Hadana lagama maarmaay
Liibaanta joogtaay
intaan anigu ku loofaray
Een hore u lumiyaay
larkeedi habeenadan
hablo libima waayeen
Lacageey Lacageey
laalaab iyo dhibaatooy
sharafteyda ludeeday
hubkaa leysku laayay
aduunyada ludeeday
hadana lagama maarme
liibaanta joogtaay
Lacageey Lacageey
laalaab iyo dhibaatooy
qaraxka iyo itaalkaay
sharafteyda ludeeday
liitaha gargaaray
Haween lahanshadooday
laqanaha hoos u celiyaay
laalaab iyo dhibaatooy
hadana lagama maarmaay
liibaanta joogtaay
Taan anigu ku loofaray
Een hore u lumiyaay
Ladhkeedii habeenadan
hablo libima waayeen
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



